Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik ten Hag Oo Amaanay Joshua Zirkzee Kadib Wacdarihii Uu Dhigay Kulankii...

Erik ten Hag Oo Amaanay Joshua Zirkzee Kadib Wacdarihii Uu Dhigay Kulankii Fulham.

0

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa aaminsan in goolki ugu horeeyay ee Joshua Zirkzee uu ‘xoojin doono kalsoonidiida ka dib markii uu ka caawiyay inay garaacaan Fulham.

Red Devils ayaa guul ku furatay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League iyagoo 1-0 kaga badiyay kooxda galbeedka London ka dhisan ee Old Trafford, iyadoo Zirkzee uu kursiga keydka ka soo kacay isagoo dhaliyay shantii daqiiqo ee ugu dambeysay.

Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, Ten Hag wuxuu ku faraxsanaa weeraryahankiisa cusub ee karti badan.

“Gooldhlinta weeraryahanka waa u muhiim, waana in uu joogo halka looga baahanyahay”ayuu yidhi.

“Waxa uu ahaa kulankiisii ugu horeeyay laakiin waxa ay u fiicnayd kalsoonidiisa, waxa aan arkay meelo badan oo uu ka horumarin karo waana iska caadi”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here