Home Warka Xiisaha Leh Erik ten Hag oo ka baxay aamusnaanta ka dib markii uu Jadon...

Erik ten Hag oo ka baxay aamusnaanta ka dib markii uu Jadon Sancho ka saaray tababarka kooxda koowaad.

0

Erik ten Hag ayaa ka baxay aamusnaanta ka dib markii uu Jadon Sancho ka saaray tababarka kooxda koowaad.

Tababaraha reer Holland ayaa ciqaabay xiddiga Manchester United ka dib markii uu si cad ugu weeraray baraha bulshada.

Sancho, oo 23 jir ah ayaa beenaale ku tilmaamay tababarihiisa kaasoo sheegay ka dib kulankii ay guuldarada 3-1 uga badisay Arsenal in sababtii uu Sancho uga soo tagay inay aheyd inuu ku liitay tababarka.

Laacibkii hore ee Borussia Dortmund ayaa wadahadalo fool ka fool ah la yeeshay Ten Hag horaantii todobaadkan, laakiin waxaa la sheegay inuu diiday inuu raalli-gelin ka bixiyo falkii uu sameeyay.

Taasi waxay ku kaliftay Ten Hag inuu xiddigaan ka sooco xiddigaha kale ee kooxda isagoo ku qasbay inuu si gooni ah tababar u sameeyo, waana go’aan uu qaatay ka dib markii uu balanqaaday inuu noqon doono mid edbiya ciyaartooyda markii uu shaqada la wareegay xagaagii hore.

Waxa uu yiri: “Sharciyada adag waa way kooxda iga codsatay sababtoo ah ma jirin dhaqan wanaagsan ka hor xilli ciyaareedkii hore sidaasi darteed waxay iga codsadeen inaan sarre u qaado adaabta ciyaartoyda.

“Taasi ayaana sameeyay, waana shaqadeyda inaan koontaroolo adaabta ciyaartoyda.

“Kaliya ma ahan hal qof oo hal qalad sameeyay laakiin waxaad dooneysaa natiijo guud ka hor inta aadan sharciyo adag dejinin.”

Waxa uu intaa ku daray: “Haddii shaqaalaha, ciyaartoyda ama qof kasta uu xadka ka gudbo waa inaad noqotaa qof ku adadag sharciga.”

Ten Hag, oo 53 jir ah, ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo go’aankii uu ku ciqaabay Sancho.

Markii lagu celceliyay su’aalaha Sancho, wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa in wax walba la yiri.

“Kooxdu waa xoog badan tahay, niyad fiican iyo jawi farxadeed ayay ku jirtaa ka hor ciyaarta Brighton.

Previous articlePremier League oo si rasmi ah ugu dhawaaqay ku guuleystaha abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii August
Next articleAnge Postecoglou oo ku guuleystay abaalmarinta macalinka bisha Agoosto 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here