Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik Ten Hag oo ka hadlay fursadaha saxiixyadiisa cusub ee De Ligt...

Erik Ten Hag oo ka hadlay fursadaha saxiixyadiisa cusub ee De Ligt & Mazraoui

0

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay fursadaha saxiixyadiisa cusub ee De Ligt & Mazraoui iyo ciyaaristooda kulanka Fulham.

Kooxda Man United ayaa Jimcaha la ciyaari doonta kooxda Fulham kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Xiddigaha Matthijs de Ligt & Noussair Mazraoui ayaa ku soo biiray Man United todobaadkan iyaga oo kaga soo biiray Bayern Munich.

Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ay labadooduba ka mid noqon doonaan kooxda kulanka jimcaha ee Premier League ay kula ciyaari doonaan kooxda Fulham garoonka Old Trafford.

“Waxay ku jiri doonaan kooxda,” ayuu Ten Hag u sheegay suxufiyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here