Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik Ten Hag oo ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Southampton

Erik Ten Hag oo ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Southampton

0

Tababaraha Man United Erik Ten Hag ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Southampton kulan ka tirsanaa premier League.

Kooxda Man United ayaa 3-0 kaga badisay Southampton kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league.

Ten Hag ayaa yidhi”Waa inaan badinaa kulan walba, taasna waan sameynay maanta.”

Waxa uu intaa ku daray: “Mararka qaar waa in aad raadisaa qaab aad ku guulaysato, daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta waxa aan la kulanay dhibaato, laakiin ka dib markii Onana uu badbaadiyay rigoore iyo goolkii Mathias, ciyaarta waxa ay isu rogtay hal dhinac”.

Man United ayaa badisay kulankeedii 2-aad ee horyaalka premier Legaue xilli ciyaareedkan iyaga oo ka baxay laba guuldaro oo xidhiidh ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here