Erik ten Hag Oo ku Doonaya Pau Torres Qiimo kasta oo ku kacaaya

Tababaraha cusub ee dhawaan loo magacaabay Manchester United Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu la soo saxiixdo daafaca Villarreal Pau Torres ‘wax walba oo ay ku kacayso.

Iyadoo United ay ku dhameysatay kaliya booska lixaad ee Premier League xilli ciyaareedkan, waxaa si weyn loo sheegay in isbedelo kala duwan lagu sameyn doono kooxda koowaad.

Inkasta oo meelo badan oo garoonka ah la xoojin doono, difaaca dhexe ayaa la filayaa in uu noqdo mudnaan gaar ahaan Eric Bailly iyo Phil Jones oo saf ugu jira inay ka tagaan Old Trafford.

Sida laga soo xigtay Marca , Ten Hag ayaa aad u doonaya inuu heshiis la gaaro Torres, isagoo ka warqaba in Villarreal ay diyaar u tahay inay lacag kaash ah ku hesho hantideeda ugu qaalisan.

Sababtoo ah awooda uu u leeyahay kubada, warbixintu waxay sheeganeysaa in Ten Hag uu u arko ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain inuu yahay daafaciisa ugu fiican, islamarkaana uu doonayo inuu si adag ugu riixo saxiixiisa.

25-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay labo sano oo cajiib ah Villarreal, isagoo ka caawiyay kooxdiisa inay ku guuleysato Europa League xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uusan door wanaagsan ka ciyaarin u soo bixitaankoodii semi-finalka Champions League intii lagu jiray 2021-22.

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*