Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik Ten Hag oo ku waalan in uu helo saxiixa xiddiga khadka...

Erik Ten Hag oo ku waalan in uu helo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong.

0

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa ku waalan in uu helo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Frenkie De Jong.

Man United ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga De Jong tan ilaa markii uu Ten Hag yimid kooxda Man United.

Kooxda Red Devils ayaa mar kale soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga reer Netherlands inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iibiso xiddiga hadii ay hesho qiimaha ay ku qiimayso xiddiga khadka dhex

Man Utd ayaa lasheegayaa in ay haatanba Barcelona miiska u saartay dalab ay ku doonayso saxiixa De Jong.

Heshiiska ay United u bandhigtay Barcelona waxa ku jira Xiddiga Antony oo qayb ka noqon kara heshiiska.

Barca la og yahay in ay raadineyso ciyaartoy ka ciyaara garabka Weerarka waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo ay ka mid yihiin Nico Williams iyo Luis Diaz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here