Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ku wargeliyey laba ka mid ah ciyaartoydiisa in uu boosaska ka beddelayo kulanka Brighton ee Sabtida, isla markaana uu kusii laylin doono maalinta Jimcaha oo ay tababarka ugu dambeeya qaadanayaan.
Erik ten Hag ayaa ku qasbanaan doona inuu isbeddello sameeyo, sababtoo ah waxa aan joogin Antony oo fadeexad loo haysto iyo Jadon Sancho oo ay isku dhaceen tababaraha oo laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda.
Warka fiican ayaa waxa uu yahay in Red Devils ay usoo laabteen Mason Mount iyo Lisandro Martinez oo kasoo kabtay dhaawacyo, sidoo kalena waxa in lagu soo bilaabo doonaya Rasmus Hojlund oo beddel ku yimid kulankii Arsenal oo ay ahayd ciyaartiisii koowaad ee Premier League.
Kulankan waxa kale oo uu faa’iido u noqon doonaa Sofyan Amrabat haddii uu kasoo kabto dhaawac uu qabo, waxaana la sheegay in uu ka ciyaarsiin doono khadka dhexe oo uu waliba kusoo bilaaban doono, haddii uu Ten Hag ku qanco.
Waa kuwee labada ciyaartoy ee boosaskooda laga bedelayo?
Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat ayaa waxa uu ka dheeli doonaa boos u ogolaanaya ciyaartoyda kale in ay hore u socdaan oo aanay ka walwalin in goolal laga dhaliyo, waxaana uu si dhow ula shaqayn doonaa Casemiro.
Amrabat ayaa noqon doona ciyaartoy u dheela sida kubbad-burburiye, marna weerarka caawiya, waana nooca ciyaartoy ee uu jecel yahay tababare Erik ten Hag.
Maadaama ay maqan yihiin Antony iyo Jadon Sancho, Ten Hag ayaa sidoo kale booska ka beddelaya Bruno Fernandes ama Mason Mount oo ku xoojin doona weerarka oo uu kala ciyaari doono Rasmus Hojlund iyo Marcus Rashford.