Home Warka Xiisaha Leh Erik Ten Hag oo la ogaaday Saxiixyo Caalami ah oo Uu Doonaayo

Erik Ten Hag oo la ogaaday Saxiixyo Caalami ah oo Uu Doonaayo

0
Ad

Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa ku ducaysanaya in muranka ka taagan iibka kooxdiisa deg-deg loo dhammeeyo si uu u ogaado qorshaha suuqa xagaaga sanadkan.

Ten Hag ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Old Trafford u yahay mid guul ah ilaa haatan isagoo soo hantay Carabao Cup, jooga Finalka FA Cup kuna jira kaalmaha Champions League loogu soo baxo.

Ad

Erik ayaa suuqa soo socda doonaya inuu sameeyo saxeexyo uu heerka xiga ugu qaado Man United oo uu sidoo kale ciyaartoyda uusan u baahnayn ka diri doono.

Sida uu daboolka ka qaaday wargeyska Manchester Evening News, laba boos oo uu ETH si gaar ah xooga u saari doono ayaa ah boosaska khadka dhexe gaar ahaan No.8 iyo weeraryahanka dhexe.

Warbixinta ayaa sheegaysa in khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham oo Real Madrid ku dhaw iyo Frankie De Jong oo Barcelona ka tirsani yihiin bartilmaameedyada uu xooga saarayo Erik.

Sidoo kale Ten Hag ayaa labada weeraryahan ee inta ugu badan hadda diirada u saarani yihiin Harry Kane oo Tottenham qayb ka ah iyo Victor Osimahen oo Napoli hoggaankeeda ah.

Ugu dambayn, inay usoo baxaan oo xaqiiqsadaan Champions League iyo iibka kooxda oo aan wali la go’aamin ayaa saamayn ku yeelan doona saxeexyada xagaaga ee Red Devils.

Previous articleFerdinand Oo Banaanka Soo Dhigay Qoraalkii Guardiola Usoo Diray Kahor Kulankii Uu Real Madrid Xasuuqay Xalay
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Khamiis Ah 18-ka May

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here