Erik Ten Hag oo lix kamida xiddigaha kooxdiisa Suuqa Dhigay

Tababaraha kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa lix kamida xiddigaha kooxdiisa oo uusan qorshayaashiisa mustaqbalka ka dhex arag suuqa dhigay.

Sida uu sheegayo wargeyska The Mirror, Ten Hag ayaa lixdaas xiddig ee uu ka dirayo Old Trafford ay ugu horreeyaan labada daafac ee kala ah Eric Bailly iyo Alex Telles oo isagu qarka u saaran inuu ku biiro Sevilla.

Bailly iyo Telles ayaa dhibane u ah oo boosaskoodii u waayaya saxeexyada cusub ee Tyrell Malacia oo Feyenoord kaga soo biiray iyo Lisandro Martinez oo kaga yimid Ajax.

Manchester ayaa haatan kooxdeeda ku haysata toddoba daafac dhexe iyo afar daafac bidix taas oo muujinaysa sababta ay u dirayaan Telles iyo Bailly.

Afarta xiddig ee kale oo iyaguna dhammaantood afar daafac ah ayaa kala ah labada daafaca dhexe ee Phil Jones iyo Axel Tuanzeba iyo Aaron Wan-Bissaka oo daafac midig ah oo lagu daray Brandon Williams oo daafac bidix ah.

Kaddib saxeexyada Christian Eriksen, Malacia iyo Martinez, Red Devils ayaa doonaya saxeexyo kale oo uu ugu horreeyo khadka dhexe ee Barcelona ee Frankie De Jong oo ay mudo saddex bilood ah hadda daba-socdaan.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*