Erik ten Hag oo qabtay Shirkiisa Jaraa’id ee ugu horeeyay isagoo ah Tabaraha Man United

Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday inuu soo gabagabeyn doono awooda ay Manchester City iyo Liverpool ku heystaan Premier League inta ay Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp joogaan kooxahaan.

Ten Hag ayaa maanta si rasmi ah u la wareegay shaqada tababare ee Manchester United isagoo bedelay tababatihii ku meel gaarka ahaa Ralf Rangnick, waxaana caawiyayaal u noqonaya Mitchell van der Gaag iyo Steve McClaren.

City iyo Liverpool ayaa mar kale si cajiib ah ugu dagaalamay koobka horyaalka Axadii iyagoo dhameystay xilli ciyaareedka in ka badan 30 dhibcood oo ay ka sareeyaan Man United oo lixaad ku dhameysatay xilli ciyaareedka.

Ten Hag ayaa la weydiiyay haddii uu soo gabagabeyn doono awooda ay horyaalka ku heystaan labada kooxood ee Man United la xafiiltama, waxa uu ku jawaabay:

“Haa, waan soo gabagabeyn karaa.

“Waqtigaan la joogo waan jeclahay labadoodaba. Liverpool iyo Manchester City waxay ciyaarayaan kubad fantastik ah laakiin waxaad mar walba aragtaa in waayo walba uu soo gabagaboobo. Waxaan diyaar u ahay inaan la dagaalamo iyaga, waana hubaa in kooxaha kale ay iyaguna doonayaan sidaas oo kale.

“Uma arko halis. Waxaan qabaa in kooxdaan ay leedahay taariikh weyn, aan inaguna sameyno mustaqbal. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la shaqeeyo dadka kooxda jooga, waana hubaa inaan guuleysan doono.

“Hadda ka hor waa imid Manchester laakiin waa markii ugu horeysay aan imaado Old Trafford. Waan la dhacay. Waxaan durbaba dareemayaa inay gurigeygii tahay. Ma sugi karo kulankeyga ugu horeeya iyo garoonka oo buuxa. Waxay ii noqon doono khibrad farxad leh.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*