Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik Ten Hag oo qirtay in ay kooxdiisu u baahantahay saxiixyo cusub...

Erik Ten Hag oo qirtay in ay kooxdiisu u baahantahay saxiixyo cusub Kadib Guuldaradii Community Shield-ka.

0

Manchester United ayaa maanta oo Sabti ah ku guuldarraysatay koobka Charity Shield Cup, kaddib markii ay guuldaro rigoorayaal ah kala kulmeen kooxda Man City kadib markii ay ciyaartu ku soo dhamaatay bar-baro 1/1 ah.

Manchester United ayaa ku dhawaatay ku guulaysiga koobka laakiin Bernardo Silva ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay u dhaliyay goolka bar-baraha.

Kadib dhamaadka ciyaarta tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa qirtay in ay kooxdiisu u baahantahay saxiixyo cusub.

Markii wax laga weydiiyay suuqa kala iibsiga Manchester United, Ten Hag wuxuu yiri: “Marka aan helno warar, waan ku dhawaaqi doonaa, ilaa waqtigaas waxaan ku shaqaynayaa xiddigaha aan haysto.

” Way caddahay in aan wajaheyno dhibaatooyin, ciyaartoyduna waa inay shaqeeyaan si ay diyaar u noqdaan, shaqaalaha farsamadana waa inay shaqeeyaan si ciyaartoyda ay diyaar u noqdaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here