Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa qish ku bixiyey ciyaartoyga uu u dooranayo kabtanka cusub ee kooxdiisa xagaagan, iyadoo la filayo in Harry Maguire uu ka tegi doono Old Trafford oo uu bannayn doono masuuliyadda kabtannimada ee intii uu kaydka ku jiray uu sida ku-meelgaadhka ah usii xidhnaa Bruno Fernandes.
Erik ten Hag ayaa shaaciyey afar shuruudood oo looga baahan yahay ciyaartoyda hoggaamiyaha ka noqonaya qolka labbiska, iyadoo ay usii calaamadsan yihiin ciyaartoyda uu u arko inay yihiin kuwa hagi karaya naadiga.
Harry Maguire, Bruno Fernandes, David de Gea, Marcus Rashford, Luke Shaw, Raphael Varane, Casemiro iyo Tom Heaton ayaa ah ciyaartoyda hoggaamiyeyaasha ka ah qolka labbska ee laga dhegaysto, laakiin waxa uu Erik ten Hag si gaar ah u calaamadsaday Casemiro oo sannadkii uu joogay Old Trafford ka noqday hoggaamiye ruuxi ah oo qof walba oo kooxda ah uu ixtiraamo.
Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegay, in tababare Erik ten Hag uu doonayo in Casemiro uu noqdo kabtanka rasmiga ah ee kooxda marka uu Harry Maguire ka tago xagaaga, waxaana mar uu Ten Hag ka hadlayay xiddiga reer Brazil uu yidhi: “Ajax waxa aan ku haystay ciyaartoy heerka u sarreeya gaadhsiisan, laakiin xaqiiqadu waxay tahay, in Casemiro uu hadda yahay hoggaamiyaha kooxdan, aad ayaanu muhiim noogu yahay.
“Kaliya ma aha bandhiggiisa garoonka iyo xirfaddiisa kubadda cagta, sida dhalinta goolasha ee madaxa, xidhiidhinta ciyaarta iyo kubbadaha uu dhaxda ka gooyo, laakiin wa sida uu ciyaartoyda u hago, maskaxdiisa, dhaqankiisa. Waanu ku faraxsanahay in aanu la saxeexanay isaga.”