Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik ten Hag oo Shaaciyay sababta Jadon Sancho uga Maqnaa...

Erik ten Hag oo Shaaciyay sababta Jadon Sancho uga Maqnaa kulankii Man United guuldarada kala kulantay Brighton

0

Erik ten Hag ayaa sharaxay sababta Jadon Sancho aanu uga qayb ahayn kulankii Man United guuldarada kala kulantay Brighton premier League.

Sancho ayaa kooxda inteeda kale u soo raacay Amex Stadium laakiin waxa uu ku fashilmay in uu xitaa ka soo muuqdo kaydka.

24-sano jirkaan ayaa sidoo kale seegay kulankii furitaanka Premier League ee Manchester United ay la ciyaareen Fulham usbuucii hore laakiin Ten Hag ayaa sheegay in maqnaanshihiisa munaasabaddaas ay sabab u tahay arrimo dhaawac.

Sancho ayaa la filayay inuu si joogto ah uga tago Old Trafford xagaagan ka dib markii uu qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay Borussia Dortmund.

Isaga oo arintaas ka hadalaya ayaa yidhi”Kooxda wuu u soo raacay halkan laakiin waxa aan doortay in aan dookh sameeyo”

“Waa in uu u tartamo booskiisa”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here