Home Warar Ciyaaraha Maanta Erik ten Hag oo si cad u sheegay fikirkiisa ku aadan xiddiga...

Erik ten Hag oo si cad u sheegay fikirkiisa ku aadan xiddiga ku fashilmay Man United ee Antony.

0

Erik ten Hag ayaa si cad u sheegay fikirkiisa ku aadan xiddiga ku fashilmay Man United ee Antony.

Laacibka reer Brazil ayaa halis ugu jira inuu noqdo saxiixii ugu xumaa taariikhda Premier League.

Xiddiga 95 milyan ugu biiray Man United ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo intii uu joogay Old Trafford.

Anthony ayaan ilaa haatan wax kulan ah ugu bilaaban kooxda Man United waxana uu daqiiqadii 89-aad soo galay kulankii Brighton.

Intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Carabao cup-ka ee Barnsley, Ten Hag ayaa diiday in uu xaqiijiyo in uu xiddigu ku bilaaban doono kulankiisii ugu horeeyay.

“Kulanka Barnsley, waxa aad arki doontaa shaxda aan ku soo gali doono ciyaarta”ayuu Ten Hag yidhi.

“Maalin kasta waxa aan qaadanaa tababar, ciyaartoyadu waa in uu muujiyaan in ay u qalmaan in ay ciyaaraan”.

“Marka dabeecadaadu fiicantahay isla markaas aad muujiso waxad qaban karto waad ku bilaaban doontaa ciyaaraha”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here