Aabaha Erling Braut Haaland ayaa sheegay in wiilkiisu uu haatanba ku sugan yahay “koox cajiib ah” markii la weydiiyay waxa mustaqbalka u noqon karo weeraryahanka dhexe ee Borussia Dortmund .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago BVB xagaaga soo aadan, iyadoo qaar ka mid ah kooxaha ugu horreeya Yurub, oo ay ku jiraan Manchester United , Manchester City , Chelsea , Real Madrid iyo Bayern Munich , ayaa la rumeysan yahay inay isku diyaarinayaan inay u tartamaan saxiixiisa.
Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Man United ay ka go’an tahay inay la soo wareegto 21 jirkaan sanadka soo socda, isagoo seegay u dhaqaaqistiisa markii uu joogay Red Bull Salzburg.
Haaland ayaa mar kale qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigay heerka kooxeed xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 13 gool 10 kulan oo uu saftay, laakiin waxa la filayaa in uu garoomada ka sii maqnaan doono ilaa horaanta sanadka 2022 sabab la xidhiidha dhaawaca sinta.
Aabaha dhalay weeraryahanka, Alf-Inge Haaland , ayaa diiday inuu xog bixiyo markii wax laga waydiiyay mustaqbalka xiddiga reer Norway, laakiin wuxuu doonayay inuu ixtiraamo “kooxda cajiibka ah” Dortmund.
Da’yarkii hore ee Bryne ayaa dhaliyay 70 gool 69 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan, ka dib 29 gool oo uu dhaliyay 27 kulan oo uu u saftay Salzburg.