Weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu go’aan ka gaaro wejiga xiga ee xirfadiisa ciyaareed.
Iyadoo qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa uu noqday mid iska cad, xiddiga heerka caalami ee dalka Norway ayaa si dabiici ah loola xiriirinayaa kooxo badan oo Yurub ah ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.
Manchester City , Real Madrid , Barcelona , ​​Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha la sheegay inay xiiseynayaan 21 jirkaan.
Sida laga soo xigtay Daily Mail , Haaland ayaa qarka u saaran inuu doorto naadigiisa xiga, go’aanka la filayo in la gaaro labada toddobaad ee soo socda.
Warbixintu waxay sheegtay in si rasmi ah loogu dhawaaqi doono si loo soo afjaro wax kasta oo la isla dhexmarayo oo ku saabsan mustaqbalkiisa.