Erling Braut Haaland oo go’an ka gaaraya Kooxdiisa Todobaadka Soo Socda

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa inay rabto inay ogaato haddii Erling Braut Haaland uu qorsheynayo inuu xilli ciyaareed kale ku qaato Westfalenstadion.

Iyadoo qandaraaska La bur-burin karo isla markana la fasixi doono xagaaga, 21 jirkaan ayaa fursad u yeelan doona inuu u dhaqaaqo koox kale oo Yurub ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay hadda tahay, Dortmund diyaar uma aha inay qirato guuldarada, kooxda Jarmalka ayaa isku diyaarinaysa inay heshiis cusub kala xaajooto xiddiga heerka caalami ee dalka Norway haddii uu doonayo inuu 12 bilood oo kale ku sii joogo Bundesliga.

Sida laga soo xigtay Bild , masuuliyiinta kooxda ayaa doonaya inay wadahadalo rasmi ah la yeeshaan ciyaaryahanka iyo wakiilkiisa Mino Raiola si ay u ogaadaan qorshahooda mustaqbalka.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Dortmund ay dooneyso inay bilowdo qorsheynta xilli ciyaareedka soo socda iyadoo go’aanka Haaland ee mustaqbalkiisa uu si dabiici ah u saameynayo wadahadaladaas.

Manchester City , Real Madrid , Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha wali isha ku haya xaalada.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*