Erling Haaland ayaa doonaya inuu sii joogo kooxda Borussia Dortmund xitaa hadii kooxda reer Jarmal ay weyso u soo bixitaanka Champions League , sidaas waxaa qortay Kicker.
Weeraryahanka reer Norway ayaa lala xiriirinayaa kooxo waa weyn oo yurub ah, oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Manchester United , laakiin ma doonayo inuu qabto heshiis kale.
Xidigan ayaa kamid ah Xidigaha suuqa kala iibsiga ugu hadal heynta badan xagaagan lakin Mustaqbalkiisa maahan mid dhinac u dhacay iyadoo wali kooxaha waaweyn ay dhagta u taagayaan.
Haaland oo u dhashay Dalka Norway ayaa u jira waqtigiisa ugu feecnaa kooxda Borussia Dortmund waxana uu la gaaray guulo muhiim ah.