Home Horyaalka Italy Erling Haaland ‘Qorshe Qarsoon’ Ka Wada Manchester City oo Horseedi Kara Is...

Erling Haaland ‘Qorshe Qarsoon’ Ka Wada Manchester City oo Horseedi Kara Is Bedel Taariikhi ah

0

Erling Haaland ‘Qorshe Qarsoon’ Ka Wada Manchester City oo Horseedi Kara Is Bedel Taariikhi ah.

Weeraryahanka reer Norway Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay saxiixa qandaraas cusub oo uu kula sii joogayo Manchester City, balse heshiiskan cusub waxa la sheegay inuu ku jiro “qorshe qarsoon” oo laga yaabo inuu horseedo isbedel weyn oo taariikhi ah.

Tan iyo markii uu City ku soo biiray 2022, Haaland ayaa ismuujiyay inuu yahay mid ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan dunida, isagoo dhaliyay 17 gool 20 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan kahor kulanka Crystal Palace ee Sabtida.

Xiddigan 24-jirka ah ayaa qandaraas kula jira kooxda ilaa 2027, hase yeeshee wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in wadaxaajoodka qandaraaskiisa cusub lagu darayo shardi uu isagu ku adkaysanayo oo noqon kara isbeddel weyn.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in qandaraaska cusub ee Haaland lagu darayo qodob sababi kara inuu ku baxo lacag ku dhow 100 milyan oo euro. Weeraryahanka ayaa la sheegay inuu ku riixayo kooxda inay aqbasho qodobkan si uu u helo fursad mustaqbalka ah oo uu ugu wareegi karo kooxaha kale ee waaweyn.

Kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich, iyo Paris Saint-Germain ayaa lagu tilmaamay kuwa u diyaarsan inay ka faa’iidaystaan qodobkan haddii uu dhaqan galo.

Warbixintu waxay sheegtay, “Ku dhex darida shardi qarsoon heshiiska waxay muujinaysaa xeeladda Haaland iyo wakiilladiisa, taas oo abuureysa xiiso cusub. Inkastoo uu haatan sii wadan doono xirashada funaanadda Manchester City, shardi kan oo kale ah wuxuu noqon karaa mid horseeda mid ka mid ah dhaq-dhaqaaqyada ugu hadal heynta badan taariikhda kubadda cagta.

 

Haatan, City iyo taageerayaasheeda ayaa rajo ka qaba inuu sii joogo xiddiga reer Norway, balse shardiga noocan ah ayaa albaab u furi kara kooxaha ugu waaweyn ee Yurub, kuwaas oo diyaar u ah inay la wareegaan mid ka mid ah weeraryahanada ugu awoodda badan kubadda cagta casriga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here