Everton 1-4 Liverpool: Reds oo Xasuuqday Everton, Mo Salah oo labo Mar Shabaqa soo taabtay

kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa Xasuuq u geysatay kooxda Everton oo marti loogu ahaa Garoonkeeda Goodison Park kulan ka tirsan Horyaalka premier league-ga

Labo Gool uu dhaliyay Mo Salah iyo Goolal ay ku dareen Jota iyo J. Henderson ayaa Reds ugu filneyd guul muhiim ah oo ka gaartay kooxda Everton.

is fahanka u dhaxeeyay xidigaha Liverpool ayaa keentay in 9 Daqiiqo oo kaliya inay ku qaadato qabashada hogaanka ciyaarta J. Henderson ayaana Bidix awood badan ku hubsaday shabaqa kadib markii uu banaanka u soo dhigay Andrew Robertson.

Goolkaasi kadib Xidiga Mo Salah ayaa hogaanka ciyaarta la wareegay isagoo labo gool Shabaqa ku hubsaday kubad Banaanka loo dhigay ayuu si fudud dhinac ugu dhigay goolhayaha Daqiiqadii 19aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 38aad Kooxda Everton ayaa heshay goolka qura ee kulankan kubad loo dhex dhiibay Demarai Gray ayuu shabaqa ku hubsaday waxana lagu kala nastay 1-2.

Daqiiqadii 64aad ee Ciyaarta Mo Salah ayaa hogaanka u dheereeyay kooxda Liverpool isagoo Dhaliyay kubad uu kasoo jiitay dhexda, Waxana goolka Afaraad raaciyay Jota guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 1-4.

Kooxda Liverpool ayaa hada ku jirta kaalinta 3aad ee horyaalka iyadoo leh 31 dhibcood waxayna labo dhibcood ka danbeeyaan hogaamiyaasha Horyaalka ee Chelsea.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*