Home Horyaalka Ingiriiska Everton oo garoonka Anfield ku dubatay Kooxda Liverpool

Everton oo garoonka Anfield ku dubatay Kooxda Liverpool

0

Kooxda Everton ayaa mar kale Taariikh ka dhigtay Horyaalka Premier league kadib markii Garoonka Anfield ku garaacday Kooxda Liverpool.

Everton ayaana kulankan uga badisay Liverpool labo Gool oo dhashay qeybta hore iyo qeybta danbe ee ciyaarta iyadoo Xidigaha Liverpool ay ku adkaatay in ciyaarta ay ku sameeyaan isbadal.

Goolka hore ayaana yimid ciyaarya oo socota 3 Daqiiqo kadib kubad Qurux badan uu dhaliyay Richarlison isagoo caawin ka helay James Rodriguez goolkaasi ayaana lagu kala nastay.

Everton ayaana qeybta danbe ee ciyaarta heshay Gool rigoore ah daqiiqadii 83-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay G. Sigurdsson guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 0-2.

Kooxda Reds ayaa hada u dhacday Kaalinta 6-aad ee Horyaalka iyadoo 40 dhibcood la wadaagta Kooxda Everton ee guuldarada kala kulantay.

Maxaa Xiga

Liverpool ayaa kulankeeda xiga la ciyaaridoonta Kooxda sheffield united 28 bisha oo Axad ku beegan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here