Khabiirka kubbada cagta Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday wararkii ugu dambeeyay suurtogalnimada uu Sergio Ramos dib ugu laaban karo Real Madrid.
Ramos ayaa naftiisa u soo bandhigay Real Madrid, isagoo isha ku hayay inuu dib ugu laabto Santiago Bernabeu.
38 jirka reer Spain ayaa haatan ah mid xor ah tan iyo markii uu ka tagay Sevilla bishii July ee sanadkan.
Daafaca dhexe ee rugcadaaga ah ayaa lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo Los Blancos, iyadoo Eder Militao uu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.
“Ma jiraan wax xiriir ah oo u dhexeeya Real Madrid iyo Sergio Ramos oo ku saabsan suurtogalnimada ku laabashadiisa kooxda” ayuu yri Romano.
“Ramos wuxuu u furan inuu ku biiro koox kasta, laakiin wuxuu ku faraxsan yahay inuu ku biiro Real Madrid haddii ay dhacdo in maamulka lasoo xiriiraan.