Home Wararka Ciyaaraha Fabrizio Romano oo Xaqiijiyay Sharuuda ku Xiran Bixitaanka Jude Bellingham ee Borussia...

Fabrizio Romano oo Xaqiijiyay Sharuuda ku Xiran Bixitaanka Jude Bellingham ee Borussia Dortmund

0

Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay hesho lacag ‘aad u wayn’ si ay u iibiso Jude Bellingham xagaaga soo socda.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa qeyb muhiim ah ka noqday kooxda Dortmund, isagoo u diiwaan geliyay 14 gool iyo 20 caawin 102 kulan oo uu u saftay kooxda.

Bellingham ayaa soo bandhigay muhiimada uu u leeyahay kooxda reer Germany kulankii Arbacadii ay 4-1 kaga badiyeen Sevilla Champions League, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu dhaliyay goolkii furitaanka ee Raphael Guerreiro ka hor inta uusan isagu shabaqa soo taaban.

Ciyaarta ka dib khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay: “U diyaar garow qiimo waali ah oo aad u weyn xagaaga dambe”.

Inkastoo 19-sano jirkaan uu kula jiro qandaraas dhacaya 2025, kooxo badan oo Yurub ah ayaa qarka u saaran inay ku dagaalamaan saxiixiisa.

Chelsea , Manchester City , Liverpool iyo Real Madrid ayaa dhamaantood la rumeysan yahay inay xiiseynayaan inay helaan adeega xiddiga reer England.

Previous articleAntony oo iska dhega tiray amaradii tababarihiisa Erik Ten Hag kulankii Manchester Derby ee ay guuldarada 6-3 ka soo gaartay Man City
Next articleTababaraha Manchester United Erik ten Hag oo shaaciyay in Cristiano Ronaldo uusan ku faraxsanayn kursiga keydka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here