Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulamada Horyaalka Serie A: Roma Vs AC Milan, iyo Inter Vs...

Falanqaynta Kulamada Horyaalka Serie A: Roma Vs AC Milan, iyo Inter Vs Genoa

0

Roma ayaa garoonkeeda Stadio Olimpico ku soo dhaweyneysa kooxda ku tartameysa Horyaalka Serie A-da AC Milan kulan go’aamin kara halka uu ku wajahan yahay Scudetto.

Roma Vs AC Milan

Tartanka Serie A

Saacada 22:45 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Stadio Olimpico, Rome

Roma:- Paulo Fonseca ayaa soo dhaweynaya Stephan El Shaarawy oo dib ugu soo laabtay kooxda kulankii Braga, Il Faraone ayayna u badan tahay inuu markale ciyaari doono. Ka dib markii uu bedelay Edin Dzeko kulankii Braga dhaawac yar oo canqowga ah, Fonseca ayaa u isticmaali doonta Borja Mayoral afka hore. Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in Dzeko uu seegi doono labada kulan ee soo socda.

Dhibaatada daafaca dhexe ayaa sii socota, iyadoo Chris Smalling, Roger Ibanez iyo Marash Kumbulla ay weli kalkaalinayaan dhibaatooyinka muruqyada. Federico Fazio ayay ahayd inuu ka garab ciyaaro Gianluca Mancini iyo Bryan Cristante oo daafaca ka ciyaara.

Ac Milan:- Stefano Pioli ayaa lix isbedel ku sameeyay shaxdii Inter Milan ee kulankii Red Star. Waxay u badan tahay inuu dib ugu soo laabto safkiisii ​​Derby, isagoo aan wax dhaawacyo cusub qabin intii ay ciyaarta socotay.

Hakan Calhanoglu wuxuu ciyaaray dhamaan 180-kii daqiiqo ee labada kulanba, sidaas darteed Rade Krunic ayaa laga yaabaa inuu soo galo si uu u bedelo. Rafael Leao ia sidoo kale wuxuu fursad u heystaa inuu baalasha ka ciyaaro madaama Zlatan Ibrahimovic uu hogaaminayo safka, iyadoo Mario Mandzukic uu weli dhaawac ku maqan yahay.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wada ciyaareen labada kooxood, Roma ayaa badan, iyada oo badisay 5 halka Milan ay badisay 3 kulan.

Mid ka mid ah labada barbaro ayaa yimid horaantii xilli ciyaareedkaan, halkaasoo labada koox ay ku wada ciyaareen barbaro 3-3 ah San Siro.

The Rossoneri ayaa badisay kaliya hal kulan sideed jeer oo ay booqatay Roma, 2-0 ciyaar ku dhamaatay xilli ciyaareedka 2017-18.

Kulamada kale ee Horyaalka la Ciyaarayo

Saacada ay soo dhacayaan Waqtiga Somaliya

SERIE A   FEBRUARY 28
14:30 Sampdoria ? – ? Atalanta

17:00 Crotone ? – ? Cagliari

17:00 Inter ? – ? Genoa

17:00 Udinese ? – ? Fiorentina

20:00 SSC Napoli ? – ? Benevento

22:45 Roma ? – ? AC Milan

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here