
Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Elche kulan ka tirsan Horyaalka La Liga, Real Madrid ayaa kulankeeda ugu danbeeyay Bar-baro lasoo gashay Atletico Madrid halka Elche ay kasoo badisay Sevilla.
Real Madrid Vs Elche
Tartanka La Liga
Saacada 18:15 pm Waqtiga Somaliya
Garoonka Alfredo Di Stefano
Garsooraha Jorge Figueroa (Spain)
Real Madrid:- Zinedine Zidane ayaa dib u soo dhoweeyay Federico Valverde oo ka mid ahaa kooxdii wajahday Atletico Madrid isbuucii hore, iyadoo ciyaaryahanka reer Uruguay uu keydka ka soo kacay. Valverde ayaa loolan ugu jira inuu kusoo bilowdo kulanka Elche.
Sikastaba, Zidane ayaa wali dhaawac kaga maqnaan doona Sergio Ramos, Eden Hazard, Dani Carvajal iyo Mariano.
Dhaawacyada: Sergio Ramos, Eden Hazard, Dani Carvajal, Mariano
Elche:- Fran Escriba wuxuu magacaabi karaa koox awood buuxda leh kulanka Real Madrid. Kaliya ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argentina Emiliano Rigoni ayaa wali shaki kujiraa kulanka sababo la xiriira dhaawac muruqa ah oo soo gaaray horaantii bishaan.
Shaki: Emiliano Rigoni
Xaqiiqooyinka Labada Kooxood
Shaxda Macquulka
Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Ferland Mendy, Nacho Fernandez, Raphael Varane, Lucas Vazquez; Casemiro, Toni Kroos, Federico Valverde; Marco Asensio, Vinicius Junior, Karim Benzema
Elche Waxaa XI (4-4-2): Edgar Badia; Josema, Gonzalo Verdu, Dani Calvo, Antonio Barragan; Tete Morente, Raul Guti, Ivan Marcone, Fidel Chaves; Guido Carrillo, Lucas Boye
Kulamada kale Getafe vs Atletico Madrid
Kulamada kale ee laga ciyaarayo La Liga waxaa kamid ah kooxda Hogaanka Horyaalka heysa oo booqaneysa Kooxda Getafe, Atletico ayaa kulankeeda ugu danbeeyay bar-baro soo gashay halka Getafe ay guul daro kala soo kulantay kooxda Valladolid.
Getafe vs Atletico Madrid
Tartanka La Liga
Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya
Garoonka Coliseum Alfonso Perez
Garsooraha Jose Sanchez (Spain)
Getafe:- Getafe ayaa heysata koox taam ah oo kulankaan ciyaareysa waxayna aad u dooneysaa guul ay ka gaarto Atletico Madrid. Jaime Mata ayaa casaan qaatay kulankii Real Valladolid ee isbuucii hore, waana uu ganaax ku seegi doonaa kulankaan.
Atletico Madrid:- Jose Gimenez ayaa horumar fiican ka sameeyay soo kabsashadiisa laakiin uma badna inuu qatar ku jiro kulankaan. Diego Simeone ayaa heysta inta badan ciyaartoydiisa oo la heli karo isbuucaan madaama ay u badan tahay inuu safto koox adag.
Dhaawac: Midna
Shaki: Jose Gimenez
Be the first to comment