Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulamada Serie A: Hellas Verona Vs AC Milan, iyo Roma...

Falanqaynta Kulamada Serie A: Hellas Verona Vs AC Milan, iyo Roma Vs Genoa

0

Hellas Verona ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta AC Milan kulan ka tirsan Kulamada Serie A Italy, Kooxda Ac Milan ayaana bar-baro la kulantay Kulankeeda ugu dambeeyay.

Hellas Verona Vs Ac Milan

Tartanka Serie A

Saacada 17:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka  M. A. Bentegodi

Hellas Verona:- Nikola Kalinic, Omar Colley, Adrien Tameze, Ronaldo Vieira iyo Kevin Ruegg ayaa dhaawac ah mana ciyaari doonaan kulankaan.

Dhaawacyada: Nikola Kalinic, Omar Colley, Kevin Ruegg, Ronaldo Vieira, Adrien Tameze

Ac Milan:-

Zlatan Ibrahimovic ayaa la filayaa inuu maqnaado toddobaadyada soo socda. Ismael Bennacer iyo Mario Mandzukic ayaa wali dhaawacan, halka Hakan Calhanoglu ay u badan tahay inuusan ciyaari doonin.

Dhaawacyada: Zlatan Ibrahimovic, Hakan Calhanoglu, Ismael Bennacer, Mario Mandzukic

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Milan ayaa badisay sideed ka mid ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Verona, waxaa laga badiyay kaliya seddex ka mid ah kulamadaas.

Kulankii ka dhacay San Siro, Zlatan Ibrahimovic ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 93aad taasoo ka caawisay Milan inay badbaadiso dhibic markii ay ku dhamaatay barbaro 2-2 ah.

Kulamada kale

Roma vs Genoa

Tartanka Serie A

Saacada 14:30 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka  Olimpico, Rome

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here