Kooxda AC Milan ayaa ku martigalineysa Udinese Garoonka San Siro. AC Milan ayaa muujisay horumar weyn xilli ciyaareedkan, waana kooxda ugu cadcad inay badiso kulankaan.
AC Milan vs Udinese
Tartanka Serie A
Saacada 22:45 pm Waqtiga somaliga
Garoonka San Siro
Ac Milan:- Ismael Bennacer iyo Mario Mandzukic ayaa dhaawac ah xilligan mana awoodi doonaan inay qeyb ka ciyaaraan kulankaan. Franck Kessie iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa kasoo kabsaday dhaawacyadii ay qabeen waxayna u badan tahay inay qeyb ka ciyaari doonaan kulankaan.
Udinese:- Ignacio Pussetto, Mato Jajalo, iyo Fernando Forestieri ayaa haatan dhaawacan, mana awoodi doonaan inay kasoo muuqdaan kulanka AC Milan ee toddobaadkan. Roberto Pereyra iyo Marvin Zeegelaar ayaa ganaax ku maqnaa kulankii Fiorentina waxayna diyaar u noqon doonaan xulashada kulankaan.
Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood
AC Milan ayaa rikoor fiican ka heysata Udinese waxayna guuleesatay 24 kulan guud ahaan 47 kulan oo ay wada ciyaareen labada koox. Udinese ayaa ka badisay AC Milan 16 jeer.
Kulankii hore ee labada koox ayaa dhacay bishii November ee sanadkii hore wuxuuna ku dhamaaday 2-1 ay ku badisay AC Milan. Zlatan Ibrahimovic ayaa shabaqa soo taabtay maalintaas waxayna u badan tahay inuu door muhiim ah ka ciyaari doono kulankaan.
Kulamada kale ee la ciyaaridoono Horyaalka
Fiorentina vs Roma
Tartanka Serie A
Saacada 22:45 pm Waqtiga Somaliya
Garoonka Artemio Franchi, Firenze