Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulanka Barcelona Vs Sevilla ee Koobka Cope Del Rey

Falanqaynta Kulanka Barcelona Vs Sevilla ee Koobka Cope Del Rey

0

Kooxda Barcelona ayaa la ciyaaridoonta Sevilla lugta labaad ee Semi finalka koobka Cope Del Rey oo ka dhicidoona Garoonka Camp Nou.

Barcelona vs Sevilla

Tartanka Cope Del Rey

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Camp Nou

Barcelona:- Ronald Araujo ayaa dib uga soo laabtay dhaawac canqowga ah kulankii Sevilla ee usbuucan waxaana wali shaki ku jiraa kulankaan. Pedri sidoo kale dhaawac muruqa ah ayaa soo gaaray waxaana laga saaray Copa del Rey todobaadkan.

Philippe Coutinho, Ansu Fati, iyo Sergi Roberto ayaa qabay dhaawacyo waqti dheer ah oo ay qabaan lamana helidoono kulankaan. Ronald Koeman ayaa doortay seddex daafac dhexe isbuucii lasoo dhaafay waxaana macquul ah inuu kulankaan qaab ciyaareed la mid ah ku ciyaaro.

Sevilla:-  Marcos Acuna iyo Lucas Ocampos ayaa haatan dhaawacan waxaana laga saaray kulankaan. Sevilla ayaa bedel layaableh ka sameysay Barcelona dhamaadka usbuucan, waxaana ka mid ah Suso, Oliver Torres, iyo Youssef En-Nesyri.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Barcelona ayaa rikoor fiican ka heysata Sevilla waxayna guuleysatay 37 kulan guud ahaan 58 kulan oo ay ciyaareen labada koox. Sevilla ayaa guuleysatay kaliya 10 guul oo ay ka gaareen Barcelona, ​​waxaana ay u baahan doonaan inay isbuucaan sii xoojiyaan

Kulankii hore ee labada koox wuxuu dhacay usbuuc dhamaadki wuxuuna kusoo dhamaaday 2-0 oo ay ku badisay Barcelona. Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkii labaad ee maalintaas..

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here