Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulanka Crystal Palace Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League

Falanqaynta Kulanka Crystal Palace Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League

0

Manchester United ayaa u safreysa Selhurst Park si ay ula ciyaarto Crystal Palace kulan ka tirsan Premier League, ed Devils ayaa ku jirta kaalinta labaad ee Premier League, iyadoo 15 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City.

Crystal Palace Vs Manchester United

Tartanka Premier League

Saacada 23:15 pm Waqtiga somaliya

Garoonka Selhurst Park

Crystal Palace:- Wilfred Zaha ayaa seegitaan weyn u ah Crystal Palace, laakiin kaliya mid ka mid ah dhowr ciyaartoy oo kooxda koowaad ah ayaa seegi doona kulankaan.

Ka qeyb qaadashada Nathaniel Clyne bilowgii shaki ayaa ku jira, laakiin wuxuu ku dhow yahay inuu si buuxda uga soo kabsado dhibaato muruqa ah. James McArthur, Connor Wickham, Jeffrey Schlupp, Mamadou Sakho, Wayne Hennessey, Nathan Ferguson iyo James Tomkins ayaa ka maqan kooxda.

Manchester United:- Paul Pogba ayaa kulankaan ka maqnaan doona, halka Phil Jones iyo Juan Mata sidoo kale la filayo inaysan ciyaarta qeyb ka noqon doonin.

Anthony Martial ayaa dib loogu soo yeeri karaa inuu kusoo bilowdo halkii uu ka ciyaari lahaa Mason Greenwood, iyadoo Nemanja Matic laga yaabo inuu kusoo biiro khadka dhexe.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Crystal Palace guul ma gaarin 12 kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Manchester United tan iyo 1991 (D3, L9).

Manchester United ayaa badisay afar kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay marti ahaayeen Crystal Palace,

Si kastaba ha noqotee, Palace ayaa dhameystiri karta labadooda kulan ee ugu horeysay ee ay ka badiso United.

Kooxda martida ah ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka, oo ay ku jiraan dhammaan afartii kulan ee ugu dambeysay.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here