Falanqaynta Kulanka Darbiga: Ac Milan Vs Manchester United ee UEFA Europa League

Kooxda Manchester United ayaa booqandoonta Kooxda Reer Taliyaani ee Ac Milan lugta Labaad ee UEFA Europa League, Labada Kooxood ayaa lugta hore ku soo kala baxay bar-baro 1-1.

Ac Milan Vs Manchester United

Tartanka UEFA Europa League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka San Siro

Garsooraha Felix Brych (Germany)

Ac Milan:- AC Milan ayaa dib u soo dhaweysay Hakan Calhanoglu, Theo Hernandez iyo Ante Rebic kooxda kulankii isbuucii hore ay la ciyaareen Napoli. Sikastaba, Zlatan Ibrahimovic iyo Alessio Romagnoli ayaa shaki weyn laga muujinayaa kulanka lugta labaad ee ay wajahayaan Manchester United.

Ismael Benancer iyo Mario Mandzukic ayaa iyagana dhaawacyo ku seegaya sidoo kale.

Dhaawacyada: Ismael Benancer iyo Mario Mandzukic

Shaki: Zlatan Ibrahimovic iyo Alessio Romagnoli

Manchester United:- Juan Mata iyo Phil Jones ayaa ah kuwa kaliya ee la hubo inay seegi doonaan kulankan.

Dhaawacyada: Juan Mata iyo Phil Jones

Shaki: Paul Pogba, Donny van de Beek, Edinson Cavani

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Milan ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee garoonkeeda ay kula ciyaartay Manchester United tartamada Yurub, iyadoo mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ka horeysay ay ka dhacday European Cup ama UEFA Champions League; waxaa laga adkaaday bishii Febraayo 2010 markii ay martigelisay Man Utd, iyadoo Wayne Rooney uu labo gool u dhaliyay kooxda martida aheyd.

Manchester United ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen kooxaha Talyaaniga ee tartamada yurub, kii ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Juventus bishii Nofeembar 2018 – ka hor orodkan waxay kaliya seddex jeer ka adkaadeen 16 jeer oo isku day ah (D3 L10).

Shaxda Macquulka ee labada Kooxood

AC Milan (4-2-3-1): Gianluigi Donnarumma; Theo Hernandez, Fikayo Tomori, Simon Kjaer, Davide Calabria; Franck Kessie, Sandro Tonali; Hakan Calhanoglu, Rade Krunic, Alexis Saelemaekers; Rafael Leao

Manchester United(4-2-3-1): Dean Henderson; Aaron Wan-Bissaka, Harry Maguire, Victor Lindelof, Luke Shaw, Scott McTominay, Fred, Bruno Fernandes , Anthony Martial , Marcus Rashford; Mason Greenwood

Saadaasha Ciyaaro.com  Ac Milan 2-1 Man United

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*