Falanqaynta Kulanka: Everton Vs Manchester City ee Koobka FA Cup-ka

Kooxda Everton ayaa garoonkeeda Goodison Park ku soo dhaweyndoonta kooxda Heysa hogaanka Horyaalka ee Manchester City kulan ka tirsan Koobka FA-Cup-ka.

Everton Vs Manchester City

Tartanka Premier League

Saacada 20:30 pm waqtiga Somaliya

Garoonka Goodison Park

Everton:- Robin Olsen sidoo kale dhaawac ayuu qabaa laakiin waxay u badan tahay inuu qeyb ka ciyaaro kulankaan.
Dhaawacyada: James Rodriguez, Fabian Delph, Jordan Pickford, Abdoulaye Doucoure, Jean-Philippe Gbamin

Manchester City:- Markii ugu horreysay xilli ciyaareedkaan, Manchester City waxay heysataa koox buuxda oo taam ah waxayna isticmaali kartaa dhammaan ilaha laga heli karo. Sergio Aguero ayaa ku soo laabtay kooxda isbuucyadii la soo dhaafay waxaana uu riixi doonaa inuu ku soo bilowdo kulankaan.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee FA Cup ee dhexmara Everton iyo Man City tan iyo 1980-81 quarter-final, iyadoo Citizens ay 3-1 ku badisay kulan ku celis ah oo ay wadday finalka.

Manchester City ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Everton – dhammaantoodna waxay ka yimaadeen Premier League – waa guushoodii ugu fiicneyd ee abid ay ka gaaraan Toffees.

Everton markii ugu dambeysay waxay gaartay semi-finalka FA Cup xilli ciyaareedkii 2015-16. Toffees ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee FA Cup ee ay ka horyimaadeen kooxaha kale ee Premier League.

Manchester City ayaa raadineysa inay gaarto semi-finalka FA Cup seddex xilli ciyaareed oo isku xigta markii ugu horeysay tan iyo markii ay sidaas sameysay intii u dhaxeysay 1931-32 iyo 1933-34.

Shaxda Macquulka ee labada kooxood

Everton (4-3-3): Robin Olsen; Ben Godfrey, Yerry Mina, Michael Keane, Lucas Digne; Allan, Andre Gomes, Tom Davies; Gylfi Sigurdsson, Richarlison, Dominic Calvert-Lewin

Manchester City (4-3-3): Zack Steffen; Ferland Mendy, Aymeric Laporte, Eric Garcia, Kyle Walker; Rodri, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva; Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Sergio Aguero

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*