Falanqaynta Kulanka: Fulham Vs Manchester City ee Horyaalka Premier League

Kooxda Manchester City ayaa booqandoonta kooxda Fulham kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ka dhicidoona Garoonka Craven Cottage. Fulham ayaa kulankeeda ugu danbeeyay guul ka gaartay Liverpool halka City ay kasoo badisay Southampton.

Fulham Vs Manchester City

Tartanka Premier League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Craven Cottage

Garsooraha Andre Marriner (England)

Fulham:- Tom Cairney iyo Marek Rodak ayaa qarka u saaran inay weli ka maqnaadaan kooxda Fulham. Dhanka kale, kooxda inteeda kale waxay ka dhex guuxayaan guushii ay ka gaareen Liverpool. Ma jiraan walaacyo cusub oo dhaawac ah oo ku saabsan Kooxda.

Dhaawac: Tom Cairney, Marek Rodak

Manchester City:- Marka laga soo tago maqnaanshiyaha muddada dheer ee Nathan Ake, Manchester City waxay heysataa koox buuxda oo taam ah safarkan ay ugu aadayso Fulham

Ciyaartoyda sida Raheem Sterling iyo Rodri ma aysan ciyaarin kulankii Saints..

Dhaawac: Nathan Ake

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Fulham ayaa laga badiyay 10 kulan oo isku xigta oo ay la ciyaareen Manchester City tartamada oo dhan, wax guul ahna ma gaarin 16 kulan tan iyo guushii 3-1 ee Premier League ee ay ka gaareen Etihad Stadium bishii April 2009.

City ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 26-dii kulan ee ugu dambeysay, lixdii kulan ee ugu dambeysay waxaa ku badisay wadar ahaan wadar ahaan 18-0.

Qaab ciyaareedkii Fulham ee lixdii kulan ee lasoo dhaafay ee horyaalka ayaa ah tii shanaad ee ugu fiicneyd horyaalka, seddex guul iyo 11 dhibcood.

City ayaa ku jirta rikoorkeedii kooxeed ee 12 guul oo isku xigta oo ay ku gaarto meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan.

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood

Fulham XI (4-4-2): Alphonse Areola; Kenny Tete, Joachim Andersen, Tosin Adarabioyo, Ola Aina; Bobby Reid, Mario Lemina, Harrison Reed, Ademola Lookman; Josh Maja, Ivan Cavaliero

Manchester City XI (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, Ruben Dias, John Stones, Oleksandr Zinchenko; Kevin de Bruyne, Rodri, Ilkay Gundogan; Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Raheem Sterling

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*