
Kooxda Chelsea oo ku jirta mid kamid ah waqtigii ugu wanaagsanaa ayaa la ciyaaridoonta kooxda Leeds United kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo ka dhicidoona Garoonka Elland Road.
Leeds United Vs Chelsea
Tartanka Premier League
Saacada 15:30 pm Waqtiga Somaliya
Garoonka Elland Road
Leeds United:- Peacocks waxaa ka maqnaan doona Adam Forshaw, Robin Koch iyo Jamie Shackleton dhaawacyo awgood. Kalvin Phillips ayaa ku soo laabtay saldhiga khadka dhexe kulankoodii hore. Dhanka kale, Jack Harrison ayaa riixaya inuu boos ka helo line-upka ka dib markii uu laba kulan oo isku xigta kursiga keydka ka soo muuqday.
Dhaawac: Adam Forshaw, Robin Koch, Jamie Shackleton
Chelsea:- Thiago Silva ayaa loo magacaabay keydka Chelsea kulankii Everton, taasoo muujineysa in halyeeygaan uu qeyb ka ciyaari karo Leeds. Tammy Abraham, oo laga saaray kooxdii la ciyaartay Manchester United, ayaa laga yaabaa inuusan ka qeyb qaadanin dhaawac canqowga ah. Inta kale ee kooxda waa la heli karaa.
Dhaawac: Midna
Shaki: Tammy Abraham
Xaqiiqooyinka Labada Kooxood
Taariikhda labada kooxood Leeds ayaa guulaha ka badan Chelsea. Waxay guuleysteen 39 kulan halka Chelsea ay badisay 35 Kulan. Guud ahaan, 29 kulan oo udhaxeeyay labadan kooxood ayaa ku dhamaaday barbaro.
Kulankii ugu danbeeyay Chelsea ayaa ku badisay 3-1.
Chelsea ayaa sameyn karta rikoor cusub oo kooxeed oo ah afar guul oo isku xigta oo ay ka gaaraan Leeds United tartamada oo dhan.
Blues ayaa guuleysan karta labada kulan ee horyaalka xilli ciyaareed markii ugu horeysay tan iyo 1989.
Guushii kaliya ee Leeds ee sagaalkii kulan ee ugu dambeysay waxa ay aheyd 2-0 ee Premier League 2002.
Shaxda Macquulka ee Labada Koox
Leeds United XI (4-1-4-1): Illan Meslier; Luke Ayling, Diego Llorente, Liam Cooper, Stuart Dallas; Kalvin Phillips; Helder Costa, Tyler Roberts, Mateusz Klick, Jack Harrison; Patrick Bamford.
Chelsea XI (3-4-2-1): Edouard Mendy; Cesar Azpilicueta, Thiago Silva, Antonio Rudiger; Reece James, Jorginho, N’Golo Kante, Marcos Alonso; Kai Havertz, Mason Mount; Olivier Giroud
Be the first to comment