Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulanka Manchester City Vs Wolves ee Horyaalka Premier League

Falanqaynta Kulanka Manchester City Vs Wolves ee Horyaalka Premier League

0

Manchester City ayaa martigelin doonta Wolves iyadoo kooxda Pep Guardiola ay dooneyso inay sii wado socodkeeda ku aadan hanashada horyaalka Premier League.

Manchester City Vs Wolves

Tartanka Premier League

Saacada 23:00 pm waqtiga Somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Man City:- Pep Guardiola ayaa heysan doona koox buuxda oo uu ka soo xusho kulanka Wolves T, iyadoo kaliya daafaca dhexe ee 4-aad Nathan Ake uu kulankan dhaawac uga maqanyahay.

Tababaraha Manchester City si kastaba ha ahaatee waxay u badan tahay inuu isbedel kooban ku sameyn doono kooxdii garaacday West Ham 2-1 sabtidii.

Wolves:- Nuno Espirito Santo ayaa waxaa ka maqnaan doona dhowr ciyaartoy oo muhiim ah safarkooda Etihad. Daniel Podence ayaa garoomada ka maqnaan doona dhowr toddobaad sababo la xiriira dhaawac muruqa ah. Weeraryahanka Star Raul Jimenez ayaa sidoo kale maqan madaama uu wali ka soo kabsanayo jabkii muruqa ee soo gaaray bishii November ee la soo dhaafay.

Daafaca dhexe ee reer France Willy Boly ayaa sidoo kale shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulankaan, madaama uu dhaawac soo gaaray isbuucii hore.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Wolves ayaa todobo dhibcood ka heshay Manchester City tan iyo markii ay ku soo laabteen Premier League xilli ciyaareedkii 2018-19, waana rikoorka ugu fiican ee koox kasta mudadaas.

Guushoodii 2-0 ee Etihad xilli ciyaareedkii hore waxay la micno tahay inay guuleysan karaan labo kulan oo isku xigta oo ay marti ahaayeen City markii ugu horeysay tan iyo 1960.

Guushii Manchester City ay ka gaartay West Ham United ayaa sii dheereysatay rikoorkeedii guushooda ee 20 kulan.

Barbarihii Wolves ee Newcastle United ayaa sii dheeraystay rikoorkeedii guuldaro la’aanta ilaa shan kulan oo Premier League ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here