Home Falanqeynta Kulamada Falanqaynta Kulanka Manchester United Vs Real Sociedad ee Koobka Europe League

Falanqaynta Kulanka Manchester United Vs Real Sociedad ee Koobka Europe League

0

Kooxda Manchester United ayaa Garoonkeeda Old Trafford ku martigalindoonta kooxda Real Sociedad lugta labaad ee Wareegta 32-aad ee Europe League iyadoo lugta hore ay Manchester United ku soo badisay 4-0.

Manchester United Vs Real Sociedad

Tartanka Europe League 

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Old Trafford

Manchester United:- Phil Jones iyo Paul Pogba waa dhaawac maqan. United waxaa laga filayaa inay sidoo kale sameyso isbedelo kale. Harry Maguire ayay u badan tahay inuusan ciyaari doonin, iyadoo kabtanka United kaliya jaale uu ku maqan yahay ganaax.

Real Sociedad:- Robin Le Normand ayaa ganaax ku seegaya kulankaan, ka dib markii uu aruuriyay kaarar jaale aad u badan. Joseba Zaldua ayaa sidoo kale ku maqan dhaawac muruqa ah. Luca Sangalli iyo Miguel Angel Moya labaduba waa dhaawac mana u badan tahay inay ciyaaraan kulankaan.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Manchester United ayaa badisay labo ka mid ah seddexdii kulan ee ay la ciyaareen Real Sociedad ka hor. Labada koox ayaa isku aaday wareega group-yada Champions League ee 2013, markaasoo Manchester United ay ku badisay Old Trafford halka ay barbaro ku galeen Spain.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here