Horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa markale ku soo laabtay ficil ahaan xilli ciyaareed kale oo muhiim ah toddobaadkan iyadoo Atletico Madrid iyo Villarreal ay fooda isku dari doonaan garoonka Estadio de la Ceramica. Labada koox ayaa xilli ciyaareedkaan wacdaro dhigay waxayna doonayaan inay guuleystaan kulankaan.
Villarreal Vs Atletico Madrid
Tartanka La Liga
Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya
Garoonka Estadio de la Ceramica
Villarreal :- Villarreal ayaa heysata liis dheer oo dhaawacyo ah oo ay tahay inay xisaabto waxaana qasab ku noqon doona inay ka maqnaadaan Alberto Moreno, Vicente Iborra, iyo Francis Coquelin kulankaan. Mario Gaspar wuxuu horumar ku talaabsaday soo kabsashadiisa laakiin uma badna inuu qatar isgalindoono kulankaan.
Atletico Madrid:- Jose Gimenez ayaa haatan ka dhaawacmay kooxda Atletico Madrid waxaana laga saaray kulankaan. Yannick Carrasco ayaa isna dhaawac qaba, waxaana loo badinayaa inuusan qeyb ka ciyaari doonin kulanka Villarreal.
Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood
Atletico Madrid ayaa wax yar ka sarreysa kooxda Villarreal illaa iyo inta laga hadlayo rikoorka ay labada kooxood wataan waxayna guuleysatay 14 kulan oo ka mid ah wadar ahaan 37 kulan oo ay wada ciyaareen labada koox. Villarreal ayaa soo martay 13 guul oo ay ka gaadhay Atletico Madrid.
Kulankii hore ee labada koox ayaa dhacay bishii October ee sanadkii hore wuxuuna ku dhamaaday 0-0 goolal la’aan ah. Labada kooxba waxay ku guuldareysteen inay sida ugu badan uga faa’iideystaan fursadahooda