Falanqeynta Kualnka FC Porto Vs Juventus ee Champions League

Kooxda FC Porto ayaa marti galin doonta Juventus lugta hore ee UEFA Champions League wareega 16-ka garoonka Estadio do Dragao.

FC Porto Vs Juventus

Tartanka Champions League

Saacada 23:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Estadio do Dragao

Tababaraha Porto Sergio Conceicao ayaa weyn doona daafacyada dambe ee Nanu iyo Zaidu Sanusi. Ciyaaryahanka khadka dhexe Otavio ayaa sidoo kale dhaawac muruqa ah waxaana laga saaray ciyaartaan.

Juventus:- Xiddiga reer Colombia Juan Cuadrado ayaa dhaawac soo gaaray kulankoodii ugu dambeeyay ee ay la ciyaareen Napoli, wuuna seegi doonaa kulankaan.

Juventus ayaa sidoo kale ciyaari doonta kulankaan iyadoo ay ka maqan yihiin Paulo Dybala, Aaron Ramsey iyo Arthur.

Dhacdooyinka dhexmaray labada kooxood

Porto ayaan ka badinin Juventus afar kulan oo tartan rasmi ah oo ay wada ciyaareen labada koox. Kooxda reer Talyaani ayaa badisay seddex ka mid ah kulamadaas ilaa iyo haatan.

Labadan koox ayaa kulmay xilli ciyaareedkii 2016-17 ee UEFA Champions League wareega 16-ka, markii ay Juve ku badisay 3-0 celcelis ahaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*