Falanqeynta Kulamada: Arsenal Vs Slavia Prague, Granada Vs Manchester United ee UEFA Europe League

Kulamo ka tirsan Europe league ayaa la ciyaaridoonaa iyadoo kooxda Arsenal ay soo dhaweyndoonta kooxda Slavia Prague  lugta hore ee wareega sideed dhamaadka UEFA Europa League.

Arsenal Vs Slavia Prague

Tartanka Europe League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Emirates Stadium

Arsenal

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega daafaca dhexe ee reer Brazil David Luiz, halka shaki uu ka jiro helitaanka daafaca bidix ee reer Scotland Kieran Tierney, ciyaaryahanka khadka dhexe ee Switzerland Granit Xhaka iyo weeraryahanada da’da yar Emile Smith Rowe iyo Bukayo Saka.

Dhaawac: David Luiz

Shaki: Emile Smith Rowe, Bukayo Saka, Kieran Tierney, Granit Xhaka

Slavia Prague

Dhanka kale, Slavia Prague waxaa ka maqnaan doona daafaca David Hovorka iyo goolhaye Ondrej Kolar, oo labadoodaba dhaawacyo kalkaal caafimaad qaba. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka daafaca dhexe Ondrej Kudela iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ivorian Ibrahim Traore.

Dhaawac: Ondrej Kolar, David Hovorka

Shaki: Ondrej Kudela, Ibrahim Traore

Xaqiiqooykinka Labada kooxood

Laba kulan oo fool-ka-fool ah oo ay wada ciyaareen labada kooxood, Arsenal ayaa badisay hal kulan, halka kulanka kale ay barbaro galeen.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay waxay iska horyimaadeen sanadkii 2007 wareega group-yada ee UEFA Champions League, iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 0-0.

Shaxda Macquulka ee kulanka

Arsenal ayaa saadaalisay XI (4-2-3-1): Bernd Leno, Hector Bellerin, Pablo Mari, Gabriel Magalhaes, Cedric Soares, Mohamed Elneny, Thomas Partey , Willian, Martin Odegaard, Pierre-Emerick Aubameyang, Alexandre Lacazette

Slavia Prague XI (4-2-3-1): Matyas Vagner, Alexander Bah, Tomas Holes, Simon Deli, Jan Boril, Jakub Hromada, Lukas Provod, Oscar Dorley, Nicolae Stanciu, Peter Olayinka, Jan Kuchta.

Granada vs  Manchester United

kooxda Manchester United ay soo dhaweyndoonta kooxda Granada lugta hore ee wareega sideed dhamaadka UEFA Europa League.

Granada vs  Manchester United

Tartanka Europe League

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Nuevo Los Carmenes

Granada

Neyder Lozano, Luis Suarez, Quini, iyo Luis Milla ayaa dhaawac ah waqtigaan waana laga saaray kulankaan. Alberto Soro, Carlos Neva, iyo Dimitri Foulquier ayaa sidoo kale qaba dhaawacyo waxaana laga yaabaa inaysan ciyaarin kulankaan.

Dhaawacyada: Neyder Lozano, Luis Suarez, Quini, Luis Milla

Shaki: Alberto Soro, Carlos Neva, Dimitri Foulquier

Manchester United

Eric Bailly ayaa laga helay coronavirus waana laga reebay xulka. Anthony Martial, Juan Mata, iyo Phil Jones ayaa sidoo kale dhaawac ah waxaana laga saaray ciyaartaan.

Dhaawacyada: Eric Bailly, Anthony Martial, Juan Mata, Phil Jones

Shaki: Alex Telles, Marcus Rashford

Shaxdda Macquulka

Granada (4-2-3-1): Rui Silva; Victor Diaz, Domingos Duarte, Jarmal Sanchez, Jesus Vallejo; Yangel Herrera, Maxime Gonalons; Jorge Molina, Antonio Puertas, Kenedy; Roberto Soldado

Manchester United (4-2-3-1): David De Gea; Aaron Wan-Bissaka, Harry Maguire, Victor Lindelof, Luke Shaw; Fred, Scott McTominay; Paul Pogba, Bruno Fernandes, Mason Greenwood; Edinson Cavani

Guud ahaan Kulamada la ciyaarayo

22:00 Ajax Vs Roma

22:00 Arsenal Vs Slavia Prague

22:00 Dinamo Zagreb Vs Villarreal

22:00 Granada Vs Manchester United

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*