Falanqeynta Kulamada La Liga: Barcelona Vs Celta Vigo, iyo Athletic Bilbao Vs Real Madrid, Shaxda iyo Xidigaha Dhaawaca ah

Kulamo ka tirsan Horyaalka La Liga Spain ayaa la Ciyaaridoonaa iyadoo Kooxda la kulanta guul-daro ay ka Quusandoonto Hamigooda Horyaalka.

Barcelona ayaa Garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweeneysa Kooxda Celta Vigo.

Barcelona Vs Celta Vigo

Tartanka La Liga 

Saacada 19:30 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Camp Nou

Barcelona: Barcelona ayaa wali waayi doonta adeega Philippe Coutinho iyo Ansu Fati kuwaas oo ku maqnaa dhibaato meniscus ah. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Sergi Roberto ayaa shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulankaan madaama uu la dhibtoonayo dhibaato jilibka ah.

Dhaawac: Philippe Coutinho, Ansu Fati

Shaki: Sergi Roberto

Celta Vigo

Dhaawacyada : Renato Tapia, Jeison Murillo, Ruben Blanco, Emre Mor, Sergio Alvarez.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Barcelona XI (3-5-2): Marc-Andre ter Stegen; Ronald Araujo, Gerard Pique, Samuel Umtiti; Jordi Alba, Ilaix Moriba, Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Pedri; Antoine Griezmann, Lionel Messi

Celta Vigo XI (4-1-3-2): Ivan Villar; Aaron Martin, Carlos Dominguez, Joseph Aidoo, Hugo Mallo; Fran Beltran; Denis Suarez, Nolito, Brais Mendez; Santi Mina, Iago Aspas.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Iyadoo ay badisay 17 ka mid ah 37dii kulan ee ugu dambeysay, Barcelona ayaa kulanka axada wajaheysa iyadoo ah kooxda guulaha badan kulankaan. Kooxda martida ah ayaa heshay sagaal guul, halka 11 kulan ay ku dhamaadeen barbaro.

Barcelona ayaa haatan ku jirta seddex kulan oo isku xigta oo aan laga badinin Celta Vigo. Kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Oktoobar, markii kooxda reer Catalan ay ku badisay guul raaxo leh oo 3-0 ah.

Athletic Bilbao vs Real Madrid

Kooxda Real Madrid ayaa booqasho ugu tageysa Athletic Bilbao kulan qeyb ka ah Horyaalka Spain ee La Liga.

Athletic Bilbao vs Real Madrid

Tartanka La Liga

Saacada 19:30 pm Waqtiga Somaliya 

Garoonka San Mames Barria

Athletic Bilbao: Dhaawacyada: Peru Nolaskoain, Ander Capa, Dani Garcia, Inigo Lekue, Iker Muniain, Yuri Berchiche.

Real Madrid: Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo waqti dheer ah waxayna weli garoomada ka maqnaanayaan inta ka harsan xilli ciyaareedkaan. Sergio Ramos, Marcelo, Ferland Mendy, iyo Raphael Varane ayaa sidoo kale dhaawacan waqti xaadirkaan waxaana laga saaray kulankaan.

Dhaawacyada: Dani Carvajal, Lucas Vazquez, Sergio Ramos, Ferland Mendy, Raphael Varane.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Athletic Bilbao XI (4-4-2): Unai Simon; Mikel Balenziaga, Unai Nunez, Inigo Martinez, Oscar De Marcos; Jon Morcillo, Mikel Vesga, Unai Lopez, Alex Berenguer; Inaki Williams, Raul Garcia.

Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois; Miguel Gutierrez, Nacho, Eder Militao, Alvaro Odriozola; Casemiro, Luka Modric, Toni Kroos; Marco Asensio, Eden Hazard, Karim Benzema.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood 

Real Madrid ayaa rikoor fiican ka heysata Athletic Bilbao waxayna guuleysatay 21 kulan oo ka mid ah wadar ahaan 29 kulan oo ay ciyaareen labada koox. 

Athletic Bilbao ayaa kaliya seddex guul ka gaartay Real Madrid, waxaana ay u baahan doonaan inay isbuuc dhammaadkaan noqdaan kuwa ugu fiican.

Kulankii hore ee labada koox wuxuu ka dhacay Spanish Super Cup horaantii sanadkan wuxuuna ku dhamaaday 2-1 oo ay ku badisay Athletic Bilbao.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*