Falanqeynta Kulamada Premier League: Burnley Vs Liverpool, iyo Crystal Palace Vs Arsenal, Shaxda Kulamadan.

kooxda Liverpool ayaa booqasho ugu tageysa kooxda Burnley kulan ka tirsan Horyaalka Premier League, Reds ayaana kulankan ciyaareysa iyadoo maanka ku heysa in ay soo gasho kaalinta afaraad ee loogu soo boxo Champions league.

Burnley Vs Liverpool

Tartanka Premier League

Saacada 22:15 pm waqtiga somaliya

Garoonka Turf Moor

Burnley: Nick Pope ayaa wali ka maqan Burnley, Dale Stephens waa ciyaaryahan kale oo laga yaabo inuu maqnaado, halka Robbie Brady, Phil Bardsley iyo Kevin Long ay weli yihiin dhaawacyo muddo dheer ah.

Dhaawac: Robbie Brady, Dale Stephens, Phil Bardsley iyo Kevin Long

Liverpool: Diogo Jota ayaa ku maqan dhaawac cagta ah . Ozan Kabak ayaa laga yaabaa inuusan mar kale ka soo muuqan maaliyada Liverpool.

Liiska dheer ee dhaawacyada Reds waxaa ka mid ah Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip, Naby Keita iyo James Milner.

Dhaawacyada: Jordan Henderson, Diogo Jota, Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip, Naby Keita, Ozan Kabak iyo James Milner

Shaxda Macquulka ee Kulankan.

Burnley XI (4-4-2): Bailey Peacock-Farrell; Matthew Lowton, James Tarkowski, Ben Mee, Charlie Taylor; Josh Brownhill, Jack Cork, Ashley Westwood, Dwight McNeil; Chris Wood, Ashley Barnes

Liverpool XI (4-3-3): Alisson Becker; Trent Alexander-Arnold, Rhys Williams, Nat Phillips, Andrew Robertson; Thiago Alcantara, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane

Xaqiiqooyinka Kulankan

Liverpool ayaa badisay 56 halka laga adkaaday 38 kulan oo ay la ciyaartay Burnley., wiilashii Dyche ayaa soo bandhigay bandhig aad u weyn markii ugu dambeysay ee ay kulmaan, iyagoo ku soo baxay 1-0 ay ku badiyeen. Dhanka kale, 29 kulan oo udhaxeeyay labadan ayaa kusoo dhamaaday barbaro.

Markii ugu danbeysay ee Liverpool ay ku guuldareysato inay ugu yaraan hal guul ka gaarto seddex kulan oo isku xigta oo ay la ciyaareen Burnley waxay aheyd 1975.

Crystal Palace Vs Arsenal

Arsenal ayaa dhankeeda booqasho ugu tageysa kooxda Crystal Palace, Gunners ayaa sanadkan ka hartay koobabka waaweyn mana jirto rajo muujineysa in ay u soo bixi karto wax koob ah.

Crystal Palace Vs Arsenal

Tartanka Premier League 

Saacada 21:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Selhurst Park

Crystal Palace: Crystal Palace ayaa waxaa dhaawac kaga maqnaan doona James McArthur iyo Mamadou Sakho kulanka Arbacada.

Nathaniel Clyne ayaa la ildaran xanuun waxaana uu shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka, halka Patrick van Aanholt iyo Luka Milivojevic laga yaabo inay seegaan kulanka sababo shaqsiyeed awgood.

Dhaawac: James McArthur, Mamadou Sakho

Shaki: Nathaniel Clyne, Patrick van Aanholt, Luka Milivojevic

Arsenal: Arsenal ayaa laga yaabaa inay weyso Hector Bellerin kulankan, ka dib markii ciyaaryahanka reer Spain uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay ka badiyeen Chelsea isbuucii hore.

David Luiz iyo Granit Xhaka ayaa sidoo kale shaki laga muujinayaa inay ciyaari karaan kulanka sababo la xiriira dhaawacyo ay qabeen horaantii bishaan.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Crystal Palace XI (4-3-3): Jack Butland; Tyrick Mitchell, Gary Cahill, Cheikhou Kouyate, Joel Ward; James McCarthy, Jeffrey Schlupp, Eberechi Eze; Wilfried Zaha, Andros Townsend, Christian Benteke

Arsenal XI (4-2-3-1): Bernd Leno; Kieran Tierney, Gabriel, Rob Holding, Calum Chambers; Dani Ceballos, Thomas Partey; Nicolas Pepe, Emile Smith-Rowe, Bukayo Saka; Pierre-Emerick Aubameyang

Xaqiiqooyinka labada kooxood

Palace ayaa xaqiijisay hal guul shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday Arsenal, iyadoo afarta kulan ee kale ay ku dhamaadeen is mari waa.

Labada koox ayaa wada ciyaaray barbaro goolal la’aan 0-0 ah ciyaartii ka dhacday horaantii xilli ciyaareedkaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*