Home Wararka Ciyaaraha Maanta Falanqeynta Kulanka AC Milan Vs Crotone ee Horyaalka Serie A italy

Falanqeynta Kulanka AC Milan Vs Crotone ee Horyaalka Serie A italy

0

Kooxda AC Milan ayaa Garoonkeeda San Siro ku martigeliso kooxda Crotone Kulan ka tirsan Horyaalka Serie A-da.

AC Milan waxaa ka maqnaan doona da’yarka reer Spain Brahim Diaz iyo daafaca dambeedka dhexe ee reer Denmark Simon Kjaer oo labaduba dhaawacyo qaba. Taas ka sokow ma jiro dhaawacyo adag oo uu heesto tababare Stefano Pioli ayaa la rajeynayaa inuu heysto koox buuxda oo taam ah.

Dhaawac: Simon Kjaer, Brahim Diaz

Shaki: Midna

Crotone

Dhaawac: Salvatore Molina, Giuseppe Cuomo, Luca Cigarini

Shaki: Pedro Pereira

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Lix kulan oo fool-ka-fool ah oo ay wada ciyaareen labada kooxood, AC Milan ayaa haysata faa iidada ugu badan. Waxay badiyeen shan kulan midna bar baro.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid sanadkii hore horyaalka Serie A, iyadoo AC Milan ay 2-0 ku garaacday kooxda Crotone. Goolal ay kala dhaliyeen ciyaaryahanka khadka dhexe Franck Kessie iyo weeraryahanka da’da yar ee reer Spain Brahim Diaz ayaa xaqiijisay guusha AC Milan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here