Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Adag AC Milan Vs Inter Milan ee Horyaalka Serie A...

Falanqeynta Kulanka Adag AC Milan Vs Inter Milan ee Horyaalka Serie A Italy

0
Photo by Marco Luzzani/Getty Images)

mid kamid ah kulanka ugu adag Horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa dhexmaridoona AC Milan iyo Inter Milan kuwaasi oo isku heesta Hogaanka Horyaalka waxana intaasi dheer khilaafka u dhaxeeya Ibrahim iyo Lukaku oo kulanka xiiso gooni ah u yeelaya.

AC Milan Vs Inter Milan

Tartanka Serie A

Saacada 17:00 pm waqtiga Somaliya

Garoonka San Siro

Ac Milan:- Stefano Pioli ayaa nasiyay ciyaartoy badan oo muhiim ah kulankii AC Milan ee UEFA Europa League ee ay la ciyaareen Red Star Belgrade intii lagu jiray bartamihii isbuucaan.

Si kastaba, Rossoneri ayaa waxaa ka maqnaan doona Ismael Bennacer kulanka ay wajahayaan Inter, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu dhaawac kale ka soo gaaray Serbia intii lagu jiray usbuucan.

Sidoo kale kooxda Pioli waxaa ka maqnaan doona garabka reer Spain Brahim Diaz, kaasoo aan wali ka soo kabsan dhaawacii muruqa.

Inter Milan:- Antonio Conte ayaa tabidoona qadka dhexe ee Arturo Vidal , madaama xidiga reer Chile dhaawac jilibka ah soo gaaray bilowgii todobaadkan.

Inter ayaa weyn doonta Stefano Sensi kulanka AC Milan madaama xidiga reer Talyaani uu kasoo kabanayo dhaawac muruqa ah.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Taariikhda dhow ee kulankaan waxaa guulo badan Inter Milan, iyadoo Nerazzurri ay badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee Serie A ee labada koox. AC Milan ayaa badisay kaliya mid ka mid ah.

Labada kooxba waxay ku guuleysteen inay guul iska gaaraan xilli ciyaareedkan. Kooxda Stefano Pioli ayaa badisay kulankii ka dhacay Serie A, iyadoo kooxda Antonio Conte ay Milan ka reebtay Coppa Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here