Hordhac: Kulanka Adag ee Italy Vs Austria Euro 2020, Shaxda Iyo Xidigaha ka Dhaawacan Kulankan

Photo/Standard

Xulka Italy ayaa Wembley Stadium kula Ciyaaraya Austria Kulanka ka tirsan Euro 2020 Wareegiisa 16-ka, Labada Xul ayaa guulo gaaray Kulamadii ugu danbeeyay ee heerka Guruubyada.

Italy Vs Austria 

Tartanka Euro 2020

Saacada 22:00 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Wembley Stadium.

Italy

Ciyaartii ay la dheeleen Wales waxaa soo laabtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti oo dhaawac ka soo laabtay, qaab ciyaareedkiisana aad ayaa loo amaanay. Sikastaba, tababare Roberto Mancini ayaa waxaa ka maqnaan kara ruugcadaaga daafaca dhexe ee Juventus Giorgio Chiellini iyo daafaca midig ee Roma Alessandro Florenzi, oo labaduba dhaawacyo qaba.

Kahor inta uusan tartanku bilaabmin, ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Inter Milan Stefano Sensi iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Roma Lorenzo Pellegrini ayaa labaduba dhaawac uga baxay kooxda, waxaana lagu bedelay laacibkii Atalanta ee Matteo Pessina iyo kan Fiorentina ee Gaetano Castrovilli.

Shaki: Giorgio Chiellini, Alessandro Florenzi

Austria

Dhanka kale, Austria waxay ku tiirsanaan doontaa xidigo sida David Alaba, Marcel Sabitzer iyo Xaver Schlager. Waxaa jira shaki ku saabsan helitaanka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Konrad Laimer iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Christoph Baumgartner.

Shaki: Christoph Baumgartner, Konrad Laimer.

Shaxda Macquulka ee Labada Xul

Italy XI (4-3-3): Gianluigi Donnarumma, Giovanni Di Lorenzo, Leonardo Bonucci, Alessandro Bastoni, Leonardo Spinazzola, Nicolo Barella, Jorginho, Manuel Locatelli, Domenico Berardi, Ciro Immobile, Lorenzo Insigne

Austria XI (4-2-3-1): Daniel Bachmann, Stefan Lainer, Aleksandar Dragovic, Martin Hinteregger, David Alaba, Xaver Schlager, Florian Grillitsch, Michael Gregoritsch, Marcel Sabitzer, Marko Arnautovic, Sasa Kalajdzic.

Xaqiiqooyinka Labada Xul Dhexmaray

Italy ayaan laga badinin 13kii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajahdo Austria tartamada oo dhan (guul 10 bar-baro 3) tan iyo markii ciyaar saaxiibtinimo 1-2 looga badiyay bishii Diseembar 1960. Tani waa ciyaartii ugu horeysay ee labada dhinac tan iyo ciyaartii saaxiibtinimo ee 2-2 ku dhamaatay bishii Ogosto 2008.

Talyaanigu wuxuu guuleystey dhamaan afartii kulan ee ay la ciyaareen Austria tartamada caalamiga ah, dhamaan afarta kulan ee noocaas ah waxay yimaadeen Koobka Aduunka – 1-0 1934, 1-0 1978, 1-0 1990 iyo 2-1 1998.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*