Falanqeynta Kulanka Adag: Manchester United Vs Tottenham Hotspur ee Finalka League Cup-ka

Wembley Stadium ayaa martigelinaya finalka League Cup 2020-21 maanta iyadoo Manchester City ay la ciyaareyso Tottenham.

Cityzens ayaa raadineysa inay hanato horyaalnimada sanadka afaraad, halka Spurs ay dooneyso inay soo afjaraan 13 sano oo ay sugayeen koobabka.

Manchester United Vs Tottenham Hotspur

Tartanka League Cup

Saacada 18:30 Pm waqtiga Somaliya

Garoonka Wembley Stadium

Manchester City: Kevin De Bruyne ayaa fariisan doona finalkaan madaama uu dhaawac canqowga ah kaga maqnaa kulankii FA Cup ee Chelsea.

Sergio Aguero wuxuu soo maray xilli ciyaareed dhaawac ah ilaa hadana shaki ayaa kujira madaama uu la dagaalamayo dhibaato muruqa ah.

John Stones ayaa ganaax ku seegaya kulankaan ka dib markii uu casaan qaatay kulankii Aston Villa kulankii ugu dambeeyay.

Dhaawac : Kevin De Bruyne

Shaki : Sergio Aguero

La hakiyey : John Stones

Tottenham

Maamulaha ku meel gaarka ah Ryan Mason ayaa laga yaabaa inuu la qabsado la’aanta adeega weeraryahankiisa Harry Kane , kaasoo ku maqan dhaawac canqowga ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa in la arkaa haddii ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England si dhaqso ah loogu soo celiyo isagoo tixgelinaya muhiimadda kulankaan.

Matt Doherty ayaa weli shaki ku jiraa kulankaan , halka Ben Davies isna looga saaray dhaawac kubka ah.

Dhaawac : Ben Davies

Shaki : Harry Kane, Matt Doherty

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood

Manchester City XI (4-3-3) : Ederson; Oleksandr Zinchenko, Ruben Dias, John Stones, Kyle Walker; Fernandinho, Ilkay Gundogan, Bernardo Silva; Phil Foden, Riyad Mahrez, Gabriel Jesus

Tottenham Hotspur XI (4-2-3-1): Hugo Lloris; Serge Aurier, Toby Alderweireld, Joe Rodon, Sergio Reguilon; Pierre-Emile Hojbjerg, Harry Winks; Dele Alli, Son Heung-Min, Gareth Bale; Lucas Moura.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

labada dhinac. Manchester City ayaa sheegata 64 guul halka Tottenham ay badisay 63. Kulankaan iyagoo 36 jeer galay bar baro.

Kulankoodii ugu dambeeyay waxay soo laabteen bishii Febraayo ee Premier League, markii Manchester City ay guul raaxo leh 3-0 ka gaartay Tottenham.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*