Falanqeynta Kulanka Adag: Real Madrid Vs Sevilla ee La Liga, Shaxda Los Blancos ee Kulanka iyo Xidigaha Maqan

Real Madrid ayaa lagu wadaa inay garoonkeeda Estadio Alfredo Di Stefano ku martigeliso kooxda Sevilla kulan muhiim  u ah Kooxda Madama ay bar-baro ay galeen kooxaha Barcelona iyo AtleticoMadrid.

Real Madrid Vs Sevilla 

Tartanka La Liga

Saacada 22:00 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Estadio Alfredo Di Stefano

Real Madrid: Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaan awoodi doonin inuu u yeero daafaca midig Dani Carvajal iyo garabka Lucas Vazquez, halka shaki uu ka jiro helitaanka daafaca dhexe ee reer France Raphael Varane.

Dhaawac: Dani Carvajal, Lucas Vazquez

Shaki: Raphael Varane.

Sevilla: Dhanka kale, Sevilla ma lahan arrimo dhaawac ah oo la ogyahay, tababare Julen Lopetegui waxaa laga filayaa inuu heysto koox buuxda oo taam ah.

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois, Alvaro Odriozola, Eder Militao, Sergio Ramos , Ferland Mendy, Casemiro, Toni Kroos , Luka Modric, Marco Asensio, Karim Benzema, Eden Hazard

Sevilla XI (4-3-3): Bono, Jesus Navas, Jules Kounde, Diego Carlos, Marcos Acuna, Ivan Rakitic, Joan Jordan, Fernando, Oscar Rodriguez, Youssef En-Nesyri, Lucas Ocampos.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood Dhexmaray

36-kulan oo wada ciyaareen Real Madrid ayaa haysata guulaha ugu badan. Waxa ay badiyeen 24 kulan, waxaa laga badiyay 11 kulan, halka hal kulan ay barbaro galeen.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid sanadkii hore horyaalka La Liga, iyadoo Real Madrid ay 1-0 ku garaacday Sevilla. 

Gool uu qeybtii labaad iska dhaliyay goolhayaha reer Morocco Bono ayaa xaqiijiyay guusha Real Madrid.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*