Falanqeynta Kulanka Arsenal vs Burnley, Gunners oo booska 15 aad kaga jirta Horyaalka

Arsenal ayaa dooneysa inay dib ugu soo laabato guusheeda Premier League markii ay ku soo dhaweynayaan Burnley garoonka Emirates fiidnimada Axada.

Gunners ayaa ku jirta booska 15aad, dhanka kale kooxda Burnley ayaa sadex boos u jirta  kaalinta ugu dambeysa ee heerka labaad.

Dhacdooyin ku saabsan labada kooxood

Guud ahaan waa dhibcaha ugu hooseeya ee Gunners ka dib 11 kulan oo horyaalka ah oo ay sameyso sidan tan iyo xilli ciyaareedkii 1981-82.

Arsenal ayaa sidoo kale guuldaro kala kulantay Liverpool, Manchester City, Leicester City, Aston Villa iyo Wolverhampton Wanderers sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay – waana waayihii ugu xumaa tan iyo bishii Abriil 1995.

kadib waqtigii wacnaa ee Arteta, sida ku guuleysiga FA Cup iyo Community Shield bishii Ogosto, taasi oo soo dhameesay cadaadiska saarna  tababaraha reer Spain waa inuu wax saxo hada.

Goolal dhalinta ayaa aheyd arinta ugu weyn ee kooxda ka dhisan Waqooyiga London, kaliya seddexda koox ee ugu hooseysa – oo ay ku jirto kooxda Burnley – ayaa ka yar Goolasha .

Arsenal ayaa sidoo kale dhibaato ku qabta garoonkeeda, iyadoo laga badiyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ku ciyaareen Emirates Stadium. Tan iyo bishii Diseembar 1959.

Kulanka Arsenal vs Burnley

Garoonka Emirates Stadium

Waqtiga 22:15 Pm

HoryaalkaPremier League

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*