Home Falanqeynta Kulamada Falanqeynta Kulanka Arsenal Vs Leeds United ee Horyaalka Premier League Ingariiska

Falanqeynta Kulanka Arsenal Vs Leeds United ee Horyaalka Premier League Ingariiska

0

Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa Leeds United kulan ka tirsan Horyaalka England ee Premier League iyadoo kooxda ay mar kale u dhacday booska 11-aad ee Horyaalka.

Arsenal vs Leeds United

Tartanka Premier League

Saacada 19:30 pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Emirates Stadium

Arsenal waxaa ka maqnaan doona Thomas Partey, kaasoo muruqa ka dhaawacmay intii lagu jiray guuldaradii isbuucii hore ka soo gaartay Aston Villa.

Kieran Tierney ayaa wali ku maqan dhaawac lugta ah laakiin goolhaye Bernd Leno iyo daafaca dhexe David Luiz ayaa diyaar ah ka dib ganaax hal kulan ah.

Leeds ayaa isha ku heysa ciyaaryahanka khadka dhexe Kalvin Phillips, kaasoo dhaawac kubka ah ka soo kabtay isagoo soo muuqday kulankii Isniintii ee Crystal Palace.

Dhacdooyinka Dhexmaray Labada Kooxood

Arsenal ayaa 5-0 ku badisay markii ugu dambeysay oo ay martigeliso Leeds kulan ka tirsan horyaalka 2004tii.

Gunners ayaan guul daro kasoo gaarin Leeds sideedii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan (W6, D2).

Leeds ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa soo taabato seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadaan Arsenal.

Arsenal ayaa laga badiyay kulamadii isku xigxiga ee horyaalka laakiin shan guuldaro kalama kulmin garoonkooda.

Leeds ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here