Home Wararka Ciyaaraha Maanta Falanqeynta Kulanka Arsenal Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League

Falanqeynta Kulanka Arsenal Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League

0

Kooxda Arsenal ayaa Garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Newcastale United iyadoo kooxda kulamdii ugu danbeeyay ay boorka iska soo jaftay kana soo kabatay guuldaroon ku dhacay.

Gunners ayaana kulanka waxa uu u noqonayaa tijaabadii labaad marka la eego hadalkii Macalin Arteta oo muhiimad gooni ah siiyay labo kulan oo mid ay kooxda ciyaartay.

Kulanka Arsenal vs Newcastle United

Tartanka Premier League

Saacada 23:00 Waqtiga Somaliya

Garoonka Etihad Stadium

Garsooraha Lee Stephen Mason (England)

Arsenal ayaa rajeyneysa in daafaca bidix Kieran Tierney uu diyaar noqon doono ka dib markii baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in dhaawaca kubka uusan aheyn mid halis ah.

Pablo Mari ayaa la maqan dhaawac la mid ah laakiin Gabriel Martinelli ayaa laga yaabaa inuu taam noqdo.

Kabtanka Newcastle Jamaal Lascelles ayaa safan kara kulankiisii ​​ugu horreeyay ee horyaalka muddo labo bilood ah, isagoo ciyaaray 45 daqiiqo kulankii FA Cup ee ay la ciyaareen Arsenal markii uu ka soo laabtay coronavirus.

Allan Saint-Maximin ayaa sidoo kale ku dhow inuu dib u soo laabto ka dib markii uu ku dhacay viruska bishii Nofeembar.

Jamal Lewis iyo Federico Fernandez ayaa la qiimeyn doonaa, halka Ryan Fraser uu ganaax ku maqanyahay ka dib casaankii uu qaatay kulankii Sheffield United.

Dhacdooyinka Dhexmaray labada Kooxood

Arsenal ayaa badisay 14 ka mid ah 15kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, waxaana laga badiyay hal kulan oo ay marti ahaayeen bishii Abriil 2018.

Newcastle ayaa laga badiyay sideed kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay marti u aheyd Gunners tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen bishii November 2010.

Kulankaan ayaa dhacaya iyadoo sagaal maalmood laga joogo markii Arsenal ay 2-0 kaga badisay Newcastle gurigooda wareega 3aad ee FA Cup.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here