Falanqeynta Kulanka Aston Villa vs Arsenal ee Horyaalka Premier League

Kooxda Arsenal ayaa Booqaneysa Dhigeeda Aston Villa kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska iyadoo Arsenal ay guul daro la kulantay kulankeeda ugu danbeeyay ee Wolves.

Kulanka Aston Villa vs Arsenal

Tartanka Premier League 

Saacada 15:30 Waqtiga Somaliya

Garoonka Villa park

Tababaraha Aston Villa Dean Smith ayaan soo sheegin wax dhaawacyo cusub ah lakiin waxaa laga yaabaa inuu cusbooneysiiyo kooxdiisa ka dib guuldaradii ka soo gaartay West Ham.

Bertrand Traore, Trezeguet iyo saxiixa cusub Morgan Sanson ayaa dhamaantood kusoo bilaaban kara.

Goolhayaha Arsenal Bernd Leno iyo daafaca David Luiz ayaa labadoodaba ganaax ku maqan ka dib casaankii ay qaateen kulankii Wolves Talaadadii.

Maqnaanshaha Leno ayaa la macno ah in Alex Runarsson ama Mat Ryan midkood uu ku soo bilaaban doono, inkasta oo kan dambe uu qabo dhibaato sinta ah.

Dhacdooyinka dhexmaray labada Kooxood

Aston Villa, oo ku badisay 3-0, ayaa laga yaabaa inay dhameystirto labadii kulan ee ugu horeysay ee ay ka badiso Arsenal tan iyo xilli ciyaareedkii 1992-93.

Arsenal ayaan laga badinin seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay wajaheen Villa tan iyo 1993.

Gunners ayaa dhalisay sagaal gool afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen.

Kooxda Mikel Arteta ayaa heysata rikoorka daafaca labaad ee ugu fiican xilli ciyaareedkan, ka dambeysa Manchester City iyo Spurs.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*