Falanqeynta Kulanka Athletic Bilbao Vs Barcelona ee Finalka Koobka Copa Del Ray

Kooxaha Athletic Bilbao iyo Barcelona ayaa wada Ciyaaraya Caawa Koobka Copa Del Ray, Barcelona ayaa Kulankan ka hor ku jirtay Mid kamid Waqtigeeda Ugu Feecnaa.

Athletic Bilbao vs Barcelona

Tartanka Copa del Ray

Saacada 22:30 Pm Waqtiga Somaliya

Garoonka Estadio de La Cartuja

Athletic Bilbao

Yeray Alvarez iyo Yuri Berchiche ayaa dhaawacyo qaba waqtigaan waxayna u badan tahay inaysan halis galin kulankaan. Athletic Bilbao ayaa heysata koox xoogan waxayna u badan tahay inaysan isbedel xoogan ku sameyn doonin kooxdooda kulankaan.

Shaki: Yeray Alvarez, Yuri Berchiche

Barcelona

Philippe Coutinho ayaa la dhibtoonaya dhaawac muddo dheer ah waxaana la sheegay inuu garoomada ka maqnaan doono bilaha soo socda. Ansu Fati wuxuu horumar ku sameeyay soo kabashadiisa laakiin waxay u badan tahay inuu dhowr toddobaad ka maqnaan doono garoomada. Barcelona ayaa guul ku gaadhay shaxdeeda 3-4-3 sanadkaan waxayna u badan tahay inaysan badali doonin qaabkooda taatikada ee kulankaan.

Dhaawac: Ansu Fati, Philippe Coutinho

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Athletic Bilbao XI (4-2-3-1): Unai Simon; Mikel Balenziaga, Inigo Martinez, Unai Nunez, Ander Capa; Dani Garca, Unai Vencedor; Iker Muniain, Alex Berenguer, Inaki Williams; Raul Garcia.

Barcelona XI (3-4-3): Marc-Andre ter Stegen; Frenkie de Jong, Clement Lenglet, Oscar Mingueza; Jordi Alba, Sergino Dest, Sergio Busquets, Pedri; Antoine Griezmann, Lionel Messi , Ousmane Dembele

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Barcelona ayaa rikoor fiican ka heysata kooxda Athletic Bilbao waxayna badisay 37 kulan oo ka mid ah wadar ahaan 58 kulan oo ay ciyaareen labada koox. Athletic Bilbao ayaa kaliya 13 guul ka gaadhay Barcelona waxayna u baahan tahay inay kulankan Koobka kor u qaado.

Kulankii hore ee labadan koox wuxuu ka dhacay La Liga horaantii sanadkaan wuxuuna kusoo dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday Barcelona. Antoine Griezmann ayaa dhaliyay goolka guusha maalintaas wuxuuna doonayaa inuu saameyn la mid ah ku yeesho kulankaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*